Daawo Brazil: Aqalka Sare oo xilkii ka xayuubiyey Madaxweyne Roussef – VIDEO

epa05517422 Former Brazilian President, Dilma Rousseff (C) delivers a statement to the press at Alborada Palace, Brasilia, Brazil, 31 August 2016. Brazil's Senate on 31 August 2016 voted to impeach Dilma Rousseff after finding her guilty of manipulating the state budget. Interim President Michel Temer will complete her mandate, which ends on 01 January 2019.  EPA/FERNANDO BIZERRA JR

Brazil (NogobNews) 01/09/2016

Aqalka Sare ee Federaalka dalka Brazil ayaa shalay si rasmi ah xilka uga qaaday Madaxweynaha dalkaasi Haweenayda Dilma Roussef oo laga keenay mooshin musuq maasuq ah.

Bishii May ayaa si kumeel gaar ah shaqada looga joojiyey Madaxweyne Roussef kadib markii Aqalka hoose uu ansixiyey mooshinka laga keenay inay been ka sheegtay miisaaniyada iyo dakhliga dowlada xiligii ay ku jirtay ololihii doorashadii 2014. Eedayntaasi ayey beeniysay Dilma Roussef oo ku tilmaamtay mooshinkan Inqilaab ay soo abaabuleen xubno horey uga tirsanaa xulafadeeda oo uu ugu horeeyo Madaxweyne kuxigeenka Michel Temer oo isaga si kumeel gaar ah xilka usii hayey bilihii lasoo dhaafay.

Brazil-TemerMadaxweyne kuxigeenka Michel Temer ayaa xalay si rasmi ah loogu dhaariyey in uu xilka Madaxweynaha la wareego tan iyo doorashada dhici doonta sanadka 2018 oo ah xiligii uu ku ekaa xukunka Madaxweyne Dilma Roussef.

Taageerayaasha Madaxweyne Roussef ayaa banaanbaxyo rabshada wata ka dhigay magaalooyinka waaweyn, waxay Dilma Roussef sidoo kale sheegtay inay abiil ka qaadatay codbixintii ka dhacday Aqalka Sare ee Brazil. Xildhibaanada Aqalka Sare oo gaaraya 61 ayaa taageeray xil ka xayuubinta Roussef halka ay kasoo horjeesteen 20 xildhibaan oo kaliya.

Brazil-Mudaharaad

Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Brazil oo ay hogaamiso Dilma Roussef ayaa dalka Brazil kasoo talinayey 13kii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna taageero xoogleh ka heystaa dadka saboolka ah oo ku tiirsanaa mashaariicda dowladaasi ay ku caawineysa dadka dakhliga yar.

Balse ganacsatada iyo turjaarta dalkaasi oo ka careysan hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha dalkaasi ayaa si weyn uga soo horjeeday xukunka xisbigan taasi oo loo aaneenayo inay ka danbeyso xil ka qaadista lagu sameeyey Madaxweynaha.

Comments are closed