Turkiga oo shaqadii ka cayriyey tiradii ugu badneyd oo Boolis ah

turkigaTurkiga (NogobNews) 02/09/2016

Maamulka dalka Turkiga ayaa shaqadii ka cayriyey 8 000 oo qof oo ka tirsanaa ciidanka Booliska, sida ay baahisey warbaahinta Dowliga ah ee Turkiga.

 

Dadkan cusub ee shaqada laga cayriyey ayaa lala xiriiriyey isku-daygii afgenbi ee fashimey 15 luuliyo

Dadka shaqada laga cayriyey ayaa 7669 kamid ah shaqaale ka ahaayeen Booliska halka 223 ay ka tirsanaayeen ciidanka gendarmerie.

Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtey in Xaakimiinta hawlgabka noqdey iyo dacwad oogayaasha kale ay dib shaqadooda ugu soo laabtaan muddo laba bilood ah gudahood, kadib markii 3 300 oo ka tirsanaa Wasaaradda Caddaaladda shaqada laga cayriyey.

Booliska Turkiga ayaa la aaminsanaa in aysan wax lug ah ku lahayn Inqilaabkii fashiley bishii Luuliyo, waxaana ay ahaayeen kuwa ugu badan ee dagaalka la galay ciidamadii Mileteriga ee Dabaabadaha dariiqyada ula soobxay isla markaana qabsadey meelaha muhimka u ah Dowladda.

Turkiga ayaa ku eedeynaya inqilaabkii fashiley Wadaad deggan dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Fethullah Gulen kaas oo awood ku dhexyeeshey ciidamada Milteriga, Waxbarashada, Caddaaladda iyo hay’adaha gargaarka.

Comments are closed