Jigjiga (NogobNews) 04/09/2016
Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo u hambalyeeyay ardayda qalinjabinaysay kuna dhiiriyay inay kaalintooda macalinimo si fiican uga soo baxaan soona saaraan arday anshax iyo tayo leh. waxa kaloo madaxwaynuhu u mahad celiyay maamulka iyo macalimiinta kuliyada oo runtii marwalba kasoo baxa kaalintooda. Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu ardayda kula dardaarmay in sidii wax loo baray ay u baraan ardayda ay macalimiinta u noqonayaan.
Dhanka kale waxaa isna ka hadlay xaflada madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarshada mudane mowliid haayir Xasan oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ardaydan qalinjabinaysa. Wuxuuna madaxwayne ku xigeenku intaa ku daray inay ka caawinayaan kaalinta uu xafiiska waxbarashadu ku leeyahay cududa shaqaale ee macalimiinta.
Ugu danbayna waxaa si faahfaahsan uga warbixiyay munaasabada qalinjabinta macalimiintamaareeyaha kuliyada macalimiinta Dr. Cabdimajiid Xusseen mudane Maxamuud Axmed Nuur oo sheegay in ardayda qalinjabinaysa ay tiradoodu tahay 949 arday oo isugu jira TTC, TTI iyo KG oo 186 kamid ahna yihiin dhadig. waxaana halkaas abaal marino kaladuwan lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore galay.
Sidoo kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah ardaydii qalinjabinaysay oo sheegay inay qalinjabinta maanta aad ugu faraxsan yihiin iyagoo balanqaaday inay si wadaninimo lehna ugu shaqayn doonaan shacabkooda.
Comments are closed