Daawo Turkiga oo furin cusub ka furmay dagaalka Siiriya – VIDEO

turkigaTurkiga (NogobNews) 04/09/2016

Ciidamada Dowlada Turkiga ayaa furin cusub ka furay waqooyiga dalka Siiriya, ciidamada iyo dabaabadaha dagaalka Turkiga ayaa gudaha u galay deegaano horleh oo ka tirsan Waqooyiga dalka Siiriya.

Tangiyada iyo ciidamada Turkiga ayaa ka tilaabay xaduuda Koonfur galbeed wadanka Turkiga iyagoona la wareegay tuulooyin horleh oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Daacish iyo waliba maleeshiyaadka Kurdida.

Turkiga ayaa sii balaariyey hawlgalka uu ka wado Waqooyiga Siiriya kadib duulaankii ay todobaadkii hore ku qaadeen magaalada Jarablus ee dalka Siiriya oo ay kala wareegeen kooxda Daacish.

Xukuumada Ankara oo sheegtay inay xaduudeeda ka sifeyn doonto kooxaha khatarta ku ah amnigeeda ee Daacish iyo Kurdida ayaa forintan cusub ku dooneysa inay xoogagaasi kala wareegto dhamaan dhulka saaran galbeedka wabiga Yuferatus si ay u illaalsadaan xaduuda ay la leeyihiin dalka Siiriya isla markaana meesha uga saaraan qorshihii Kurdida ku dooneysay inay ismaamul uga dhawaaqaan deegaankaasi.

Comments are closed