M/weynaha DDSi & Wafdigiisa Ayaa Booqday Mashruucyada Beka. Wijiwaaji Gomaar

Wijiwaaji Wijiwaaji (NogobNews) 06/09/2016

shirkii saaka ee dhagaxbuur ayay madaxwaynaha iyo waftigiisii balaadhnaa kubaqooleen wadada dheer ee laamiga qabridahar iyagoo tuulada sasabane uga leexday dhanka wadada jayga ah ee aada mashruuca biyo-xidheenka wayn ee waraabka beka.

.Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya waftigii balaadhnaa ayaa halkaa kusoo kormeeray qaab-shaqeedka mashruuca beka oo si habsami leh usocday. Halkaas oo uu madaxwaynuhu kuladardaarmay hawl-wadeenada mashruuca inay dadajiyaan islamarkaana laban-laabaan shaqada maadaama uu xiligii roobku dhawyahay.

Kadibna, waxaa socdaalkan lagu soo kormeeray mashaariicaha biyo-xidheenada waraabka ee goomaar iyo wijiwaaji oo si aad ah shaqo adag uga socotay. Waxaana looga sii gudbay mashruuca wayn ee waraabka maraacaatooo isagu xaal-xaalkii lagu jiro. Waxaana caawa loo dheelmaday magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Comments are closed