Shirwaynihii 7aad Ee Waxbarashada DDSI Oo Ka furmay jigjiga.

jigjigaJigjiga (NogobNews) 07/09/2016

Waxaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga  gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan shirwaynihii 7aad ee waxbarashada deegaanka soomalida itoobiya.

3Furitaankii shirwaynaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay ku simaha madaxwaynaha DDSI ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Ahmed Faarax, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, masuuliyiin heer deegaan ah. dhamaan gudoomiyahaasha degmooyinka deegaanka, madax xafiiseeyada waxbarashada degmooyinka, masuuliyiinta  maamulada magaalooyinka DDSI iyo masuuliyiin kale oo ka socotay degmooyinka iyo Gobolada DDSI.

4waxaana shirwaynahan ugu horayntii ka hadlay ku simaha madaxwaynaha DDSI ahna madaxwayne ku xigeenka DDSI marwo Sucaad Axmed faarax oo ka warbixisay ahmiyada shirwaynahan leeyahay waxayna si qoto dheer uga warbixisay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto  adkaynta iyo xoojinta  tayada waxbarashada iyo tir tirida jahliga. Waxaa kale oo ay ku simaha madaxwaynaha DDSI ka warbixisay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u salaysan dhinaca siyaasada caafimaadka iyo nidaamka lagu hirgalinayo fulinta qorshayaashaasi. Waxayna ku boorisay masuuliyiinta degmooyinku in ay sifiican uga qayb-qaataan mudada uu socdo shirkan.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI  ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka hadlay  furitaankii shirkaasi  ayaa ka warbixiyay jihooyinka iyo tiirarka  lagu gaadhayo horumar waaro oo joogtaysan taas oo uu sheegay in ay laf-dhabar u tahay fidinta iyo  fulinta jihooyinka waxbarashada. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay in shirwaynahan yahay mid lagu eegaya fulinta qorshayashii sanadkii 2008TI ee dhinaca waxbarashada islamarkaana loogu diyaar garoobayo fulinta qorshaha sanadka 2009TI  ee dhinaca qorshe hawleedka waxbarashada gaar ahaan adkaynta tayada waxbarashada.

Shirwaynaha  waxbarashada DDSI  oo ah mid sanadkasta la qabto xiliga la bilaabayo diwaangalinta ardayda  dugsiayda kala duwan ee DDSI ayaa waxaa lagu kala qaataa awaamiirta iyo qorshayaasha u dajisan dhinaca waxbarashada gaar ahaan sidii dhamaan caruurta DDSI ee  gaadhay da’da waxbarashada loo keenilahaa goobaha waxbarashada, in xooga la saaro waxbarashada dadka waawayn iyada oo ahmiyada gaar ah la siinayo waxbarashada caruurta baahida gaar ka ah qabta.

Shirwaynahan oo halku dhig looga dhigay” BARE  TAYO IYO AQOON LEH AYAA SOO SAARA ARDAY AQOON IYO ANSHAX KU SIFOOBAY” ayaa waxa uu socondoonaa mudo 2maal-mood ah.

Comments are closed