Jigjiga (NogobNews) 07/09/2016
Wasiirka oo markii uu ku wareejiyay agabkan la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay waxa uu ka kooban yahay agabkani iyo ahmiyada ay leeyihiin. Wasiirka ayaa sheegay in qalabkan uu xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ku wareejiyay degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka cusub kala yihiin laptops, high quality printer oo leh photo copy, scanner iyo fax, regulators, UPS, external hard disk iyo documents kale oo ah diwaanada iyo qalabka sahlaya nidaamyada shaqada maamulka maaliyadeed ( PFM) kuwaasi oo ah qalab casriya. Wasiirka ayaa kula dar daarmay madax xafiiseedyadan in ay xilka iyo waajibaadka saaran u gudoon si karti, anshax iyo aqooni ku dheehan tahay islamarkana ilaaliyaana awaamiirta iyo shuruucaha maaliyadeed wuxuuna tilmaamay in horumar waara oo joogtaysan lagu gaadhi karo oo kaliya xoojinta iyo adkaynta nidaamka maaliyada.Dhankooda masuuliyiinta lagu wareejiyay agabkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in xilka iyo waajibaadkan loo igmaday uga soo baxayaan sidii loogu dalagalay.
Comments are closed