Daawo Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisey Nukliyeer Loo Maleeyey Dhul-giriir – VIDEO
Kuuriyada-Waqooyi (NogobNews) 09/09/2016
Habeenimadii xalay ee Jimacada waxaa la diiwaan geliyey dhulgiriir cabirkiisu yahay 5.3 magnitude kaas oo ka dhacay dhulka Kuuriyada Waqooyi.
Waxaa la aaminsan yahay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisey Nukliyeerkii shanaad, dhulgariirkiisa laga dareemay meelo ka baxsan Kuuriyada Waqooyi, sida ay ku warameyso warbaahinta laga lee yahay dalka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, iyada oo ka soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Milteriga dalkaas, Sidoo kale waxaa warkaan qorey wakaaladaha wararka ee AP iyo Reuters.
Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisey goor danbe oo subaxnimadii Jimacada ah in ay ku guuleysatey tijaabada laga dareemay dalalka deriska la ah, sidaasna waxaa laga siidaayey telefishanka Dowladda.
Tijaabada Nukliyeerka ee habeenkii xalay dhacdey oo u ekeyd dhulgiriir ayaa waxaa canbaareeeyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, Madaxweynaha Kuuriayda Koonfureed Park Geun-Hye, Raysalwasaaraha dalka Jaban Shinzo Abe, Dalka Faransiiska ayaa canbaareyn xooggan dusha uga tuurey waxaana ay ku baaqeen in deg-deg loo fuliyo cunno qabateyntii u danbeysey ee Golaha Amaanka.
Barack Obama ayaa ku timaamey tijaabada mid cawaaqib xumo ka dhalaneyso.
Kuuriyada Waqooyi ayaa ah dal ka go’an caalamka intiisa kale oo leh awood milteri oo aan la dhayal-sankarin, waxaana Maraykanku marar badan shaki geliyeen sheegashada Xukuumadda Pyongyang ee ah in ay leedahay awood Nukliyeer, waxaana la isweydiinayaa miraha ka dhalan kara cunno-qabateyn kale oo la saaro.
Comments are closed