Daawo Ninkii isku dayey in uu dilo Roland Reagan oo xabsiga laga sii daayey – VIDEO

johanMareykanka (NogobNews) 11/09/2016

John Hinckley oo horey isugu dayey in uu dilo Madaxweynihii Maraykanka Ronald Reagan 35 sano ka hor, ayaa laga sii daayey xabsi Isbitaal dhimirka ah halkaas oo lagu daweynaayey. Ninkan ayaa loo oggolaadey in uu hadda la noolaado hooyadiis oo 90 sano jir ah gobolka Virginia.

Xaakim Maxkmadeed lagu magacaabo Paul Friedman ayaa bishii Luuliyo go’aamiyey in John Hinckley aanu naftiisa iyo dadka kaleba khatar ku ahayn.

Sanadkii 1981 ayaa John Hinckley isku dayey in uu dilo Madaxweynihii Maraykanka ee xiligaas Roland Reagan, wuxuu sheegay danta uu kalahaa dilka Madaxweynaha in ay ahayd in uu soo jiito Atarijada Hollywood-ka Jodie Foster, kadib markii uu ka daawadey filimkii “Taxi Driver”.

Hinckley ayaa 6 xabbadood ku ridey Madaxweyne Reagan xili uu khudbad ka soo jeedinaayey Hotel Hilton ee magaalada Washington, waxaan weerarku ka dhacay banaanka Hotelka, Hinckley ayaa Reagan gaarsiiyey dhaawac fudud, sidoo kale waxaa dhaawac culus ka soo gaarey rasaastii James Brady oo kamid ahaa xoghyanta Madaxweynaha, dadka kale ee ku dhaawacmey waxaa kamid ahaa nin ka tirsanaa Booliska iyo mid kamid ah ilaalada Madaxweynaha.

Roland Reagan ayaa geeriyoodey sanadkii 2004, halka Brady uu geeriyoodey sanadkii 2014.

Comments are closed