Magaalada jigjiga oo Siweyn looga Ciiday (Warbixin+Sawirro)

qm01Jigjiga (NogobNews) 12/09/2016

Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi kudheehan tahay looga ciiday guud ahaanba deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul Adxa iyadoo boqolaal kun oo kunool caasimada jigjiga ay si wadjir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas  oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Afhayeenka golaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mas’uuliyiin tiro badanay kulatagadeen shacabwaynaha magaalada jigjiga.

fb_img_1473684423769Hadaba, kahor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar halkaa kasoo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan eeciidul-adxa islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Wuxuuna goobta kashaaciyay inuu jiri doono cafiskii maxaabiista waantawday. Madaxwaynaha ayaana bulshada wax haysata ugu baaqay inay caawiyaan walaalahooda kale ee aan waxba haysanin khaasatan kuwa dharka cad ee aan cidna wax waydiisanin.

fb_img_1473684466737Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in la iska ilaaliyo ururada xagjirka ah ee diinta islaamka huwan sida takfiir, shiico, al-itaxaad, khawaariij iyo wixii lahalmaala.

Dhanka kale, madaxwaynaha ayaa xusay in carqaladaha ay wadaan onag iyo ginboot7 ay ujeedadeedu tahay sidii ay ubadali lahaayeen nidaamka federalismka ah ee kudhisan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada ee uu mideeyay dastuur kali ah islamarkaana raba inay kubadalaan nidaamkii cadaadiska iyo dhiigmiiradka kudhisnaa ee kiniisadaha looga talin jiray. Kaas oo uu gabalkiisu waa hore dhacay. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka kudhuftay in itoobiya ay itoobiya kusii ahaan karto oo kali ah jiritaanka nidaamka federalismka ah iyo dastuurka. Madaxwaynaha ayaana uga digay cid alaale iyo cidii  iskudayda inay meel uga dhacdo sharafta iyo sumcada wadanka ama rabta inay soo celiso nidaamyadii cadaadiska iyo shuuciga ahaa inaan laga ogolaanaynin habayaraatee oo aan kaxigno dhimasho.

Waxaa iyana kahadlay munaasbadii salaada ciida mas’uuliyiinta golaha arimaha islaamka iyo masjidul aclaha oo kawarbixiyey xujaajtii deegaanka katagtay islamarkaana canbaareeyay ururada argagixisada ah ee gabbaadka kadhiganaya diinteena islaamka sida al-itaxaad, daacish, alqushaash, buku-xaaraam, shiico, khawaarij, takfiir, ubbo iwm

Ugudanbayna farxadii salaadii ciidul adxaha ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan oo  farxad iyo raynrayni ku dheehantahay .

Comments are closed