Shir Balaadhan Oo Kadhacay Degmada Laasdhankayre

laasdhankayre1Laasdhankayre (NogobNews) 15/09/2016

Mas’uuliyiinta ugu saraysa maamulka Gobolka Qoraxay oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo ay wahelyaan qaarkamid ah mas’uuliyiinta cusub ee maamulka degmada cusub ee laas dhankayre ayaa maanta shir isbarasho ah layeeshay bulshada kudhaqan xarunta degmada cusub ee laasdhankayre.

laasdhankayreShirkan oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane yuusuf aadan yuusuf ayaa sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay isbarasho islamarkaana la isku barayo bulshada laasdhankayre iyo maamulkooda cusub.  Wuxuuna intaa kudaray gudoomiyuhu in maamulka cusub ee degmada ay yihiin gudoomiyiihi degmada laas dhankayre, Maareeyihii dakhliga degmada laasdhankayre, Madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada laasdhankayre, Madaxa xafiiska  kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka (DPPB) degmada laas dhankayre yo waliba taliyaha boooliska degmada

Dhankakale Gudoomiyaha cusub ee Degmada laasdhankayre mudane Axmed Cabdi Xuseen oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in xilkan loo idmaday ay si daacad ah ugu adeegayaan bulshadooda islamarkaana ay si cadaalad ah oo wadaniyadi kudheehantahay ugu shaqaynayaan bulshada degmada laasdhankayre. Wuxuuna xusay in bulshada iyana dhankooda ay si fiican oo wadaniyad iyo lahaanshaba leh ay ulashaqeeyaan maamulka cusub ee degmada.

Ugudanbayna waxaa iyana dhankooda ka hadlay bulshadii kasooqaybgashay shirkan isbarashada ah oo sheegay inay aad ugu faraxsanyhihiin islamarkaana ay soo dhawaynayaan maamulkoodan cusub kalana shaqaynayaan horumarka, nabadgalyada iyo maamuka suuban

Comments are closed