Magacaabis Cusub: Qaab-Dhismeedkii Xisbiga Oo La Adkeeyay DDSI

fartunJigjiga (NogobNews) 16/09/2016

Waxaa la adkeeyay qaab-dhismeedkii  xisbiga iyadoo marwo Fartuun Cabdi Mahdi loo magacaabay madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awood madaxwayne kuxigeen islamarkaana hagi doonta xafiiska horumarinta khayraadka biyaha, macdanta iyo tamarta DDSI kadib markii ay isbadal balaadhan iyo natiijo wax ku ool ah kakeentay dhibaatooyin adag oo dhanka biyaha kajiray.

Dhanka kale, mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa loo magacaabay madaxa arimaha xisbiga ee xarunta dhexe maadaama uu guulo waa wayn kasoo hoyiyay dhinacyada ladagaalanka kontarabanka, hirgalinta ganacsiga xorta ah iyo xidhiidhka dibada isagoo hagi doona xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI.

Sidaadarteed, waxaa hogaamin doona shaqooyinka xarunta dhexe ee XDSHSI marwo fartuun cabdi mahdi oo ah madaxa xarunta dhexe, mudane Cumar Maxamuud Cabdi oo ahmadaxa siyaasada  oo runtii shaqooyin adag oo lagu amaanay qabtay, halkiisiina ah iyo mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa arimaha xisbiga ama gadhwadeenka arimaha xisbiga.

Comments are closed