Qaramada Midoobey oo sheegaysa in Soomaaliya ka jirto gaajo iyo cunno yaraan

somaliayaQM (NogobNews) 21/09/2016

Ugu yaraan shan milyan oo qof oo ku sugan Soomaaliya ayaan helin cunno ku filan. Dadka ugu daran ee dhibaatadu gaartey ayaa ah caruurta. Qaramada Midoobey ayaa sheegaysa in 300 000 oo caruur ah oo aan buuxin shan sano xaaladoodu tahay mid khatar ah.

Gaajada Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto abaar dheeraatey iyo fatahaado webiga ah oo ka dhacdey Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Qaramada Midoobey sheegaysaa in ay xaaladda sii xumeyneyso xasilooni darada siyaasadeed ee dalka ka taagan muddo dheer.

Dadka ku barakacay gudaha ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysey, 1.1 milyan oo qof ayaa laa aminsan yahay in ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

– Waxaan go’aansaney in aan dalkayaga ku laabano, taas oo ku timid doonitaankayaga. Xoogaagii aan wadey waa dhamaadey, wax taageero ahna ma aann helin, sidaas waxaa tiri Aamina Nuur oo u warantey Wakaaladda Wararka ee AP, sida uu sheegay weriyaha waraysanaayey Aamina, caruurteedu waxay ku jiifeen dhabteeda iyada oo ay ka muuqato darxumo.

Qaramada Midoobey ayaa sheegaysa in ay xaaladda uga sii dareen go’aanka Kenya ee ah in ay xiraan dhamaan xeryaha qaxootiga isla markaana ay faaruq ka dhigayaan muddo yar gudaheed

Comments are closed