Daawo Soomaaliya oo cadeysay in Kenya ka been sheegtay heshiiskii isafgaradka ahaa ee MOU 2009 – VIDEO

qmMuqdisho (NogobNews) 21/09/2016

Qareenada Soomaaliya u doodaya ee dacwada xaduudaha bada ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa cadeeyey in heshiiskii is afgaradka ahaa ee MOU 2009 uusan wax xiriir ah la lahayn soodinta bada ee u dhaxeysa labada dal balse uu kaliya ku koobnaa in labada dal ay codsigooda u gudbin karaan guddiga UN-ka CLCS inta ka baxsan soodinta 200 mile ee wadan walba leeyahay.

icj-dooda-soomaaliya

Dhinaca Kenya oo kiiskooda Maxkamada u gudbiyey Isniintii ayaa ku dooday in murranka xaduudaha bada ee kala sheeganayaan in ay si gaar ah u xalistaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo aan arrintan lagu xalin maxkamada Caalamiga ah, waxayna ku doodeen in heshiiskii MOU ee 2009 uu qeyb ka yahay in labada dal ay horey ugu heshiiyeen in ay wadahadal waxooda ku dhameystaan.

Dhamaan dalalka Caalamka ee saaran xeebaha ayey ahayd inay u gudbiyaan guddiga Qaramada Midoobay ee u xil saaran xadeynta wadan walba xuduudaha biyaha oo ay sheeganayaan guddigaasi oo loo yaqaan [Commission on the Limits of the Continental Shelf (CLCS)]. Heshiiskii MOU ee 2009 ayey Somaliya iyo Kenya ku heshiiyeen oo kaliya in dal walba uu gudbisto xaduuda uu sheeganayo guddiga CLCS, balse heshiiskaasi maahayn mid wax xiriir ah laleh xaduudihii horey u jiray ee u dhaxeeyey dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Heshiiskaasi is afgaradka ah oo la saxiixay April 2009, waxaa horey u laalay Baarlamaanka KMG ahaa ee Soomaaliya Agoosto 2009.

Soomaaliya ayaa dooneysay inay kordhiso xuduuda biyaheeda ee Qaarada Afrika oo ay ku darsato in ka badan 200 miles ee horey loogu xadeeyey, xadkaasi maaha midka u dhaxeeya labada dal ee waa xadka dhinaca Indian Ocean inta biyaha ay Soomaaliya xaquuq uleedahay inay ku darsato 150 mile.

qariirada-bada

Balse Kenya oo iyaduna dooneysa inay sii balaariso biyaha ay sheeganeyso ee badweynta India Ocean ayaa dooneysa inay qeyb soo gasho xadkii horey u jiray ee biyaha Soomaaliya, taasi oo ay Soomaaliya sheegtay inaysan weligeed ogolaan doonin.

Xuduudaha Qalfoofka Qaarada ee biyaha badweynta Indian Ocean maaha mid horey loogu heshiiyey waxayna weli murano aan la xalin ka dhex taagan tahay dalal kala duwan sida Soomaaliya iyo Yemen, Soomaaliya iyo Kenya, Kenya iyo Tanzania kuwaasi oo aan weli ku heshiin qeybta ay ku leeyihiin biyaha inta ka baxsan 200 mile ee horey wadan walba u lahaa. Waana arrinta loo saaray guddiga UN-ka ee [Commission on the Limits of the Continental Shelf (CLCS)] inay kala xadeeyaan biyaha wadamadaasi kala sheeganayaan.

Marnaba Kenya uma sheegin dowlada Soomaaliya inay dooneyso in wax ka bedasho xaduuda bada ee labada dal u dhaxeysa ayaa lagu yiri dacwada Soomaaliya, waxa kaliya oo ka wadahadleen labada dal ayaa ahaa in mid waliba uu dacwadiisa biyaha uga maqan xaduuda Qalfoofka Qaarada (Continental Shelf) Afrika ee India Ocean inuu u gudbisto Guddiga Qaramada Midoobay ee CLCS.

Qareenada Dowlada Soomaaliya ayaa intaasi raaciyey in dalka Kenya uu laftiisa uu og yahay in sharciyan aysan xaquuq u lahayn waxa ay codsanayaan taasina ay tahay midda keentay in Kenya ay soo jeediso in arrintan aan la horkeenin Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ, maadaama aysan heysan dacwad adag oo ay ku doodi karto.

Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan marnaba gorgortan ka geli doonin xaduudihii horey u jiray ee dhanka bada u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay ku kalsoontahay in dacwadan lagu xaliyo Maxkamada Caalamiga ICJ oo ah tan ugu sareysa caalamka ee xalisa murranka u dhaxeeya wadamada.

Comments are closed