Shirwaynaha Caafimaadka DDSI Oo Ka Furmay Jigjiga

d1Jigjiga (NogobNews) 20/09/2016

Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee Sayid MCX shirwaynaha caafimaadka  DDSI ee  hirgalinta qorshaha koboca isbedalka dhaqaalaha sektarka caafimaadka DDSI oo qayb ka ah  qorshaha guud  koboca iyo isbedalka dhaqaalaha wajigiisa labaad (GTP-2ga)

d2Munaasabadii lagu daah-furayay shirwaynahan  oo ahayd mid si qurux  badan loo soo agaasimay oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI  ayaa waxaa ka soo qaybgalay,madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan  Ismaaciil cali, masuuliyiin ka socday xafiisyada ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka, gudoomiyayaasha gobolada deegaanka, maayirada maamulada magaalooyinka,qaarka mid ah kaabineega degmooyinka deegaanka oo ay ka mid yihiin dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka deegaanka , masuuliyiinta xafiisyada caafimaadka iyo xarumaha caafimaadka degmooyinka deegaanka.

d3Waxaana furitaankii shirwaynaha ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay siyaasada caafimaadka ee ku wajahan gaadhsiinta adeega caafimaad oo hufan bulshada deegaanka gaar ahaan sidii bulshada degan miyiga loo gaadhsiin lahaa adeegyo tayaysan. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in sanadihii ugu danbeeyay dalkeena iyo deegaankeenu ku guulaystay hirgalinta qorshaha horumarineed ee qaybta caafimaadka taasi oo lagu guulaystay in bulshada la gaadhsiiyo adeega caafimaadka aas aasiga ah oo natiijo wax ku ool ah laga soo hooyay. Waxayna sheegay madaxwayne ku xigeenku in wakhti xaadirkan la dajiyay istaraatajiyad caafimaad oo leh adeeg tayaysan loona siman yahay taasi oo xooga saaraysa sidii bulshada reer miyiga ah u helilahaayeen adeeg caafimaad oo tayadiisu sarayso . madaxwayne ku xigeenka ayaa  ku boorisay maamulada gobolada, degmooyinka, maamulada magaalooyinka, bulshada iyo bahwadaagta kale in ay  ka soo baxaan kaalinta kaga aadan hirgalinta qorshaha isbedalka secterka caafimaadka ee qorshaha(GTP-2ga).

d4Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii shirkan wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada shirkan iyo waxa lagaga hadlidoono mudada uu socdo. Wuxuuna sheegay in lagu  qiimayndoona geedi socodkii shaqo ee hirgalinta qorshihii caafimaadka sanadihii aan soo dhaafnay goldaloolada ka jirtay iyo sida loo hirgalinayo qorshaha caafimaadka shanta sano ee soo socota iyada oo laga duulayo ayuu yidhi wasiirka xaqiijinta gaadhsiinta bulshada adeeg caafimaad oo tayo leh loona siman yahay, kobcinta awooda fulineed ee degmooyinka, xaqiijinta iyo isticmaalka xog caafimaad oo sugan  iyo xaqiijinta cudud shaqaale oo bixisa daryeel caafimaad oo ku salaysan xushmad, naxariis iyo xilkasnimo.

 

d5Shirwaynahan  ayaa sii socondoona maalmaha soo socda iyada oo mudadasi uu socdo lagu qorfayndoono  xaqiijinta adeeg caafimaad oo tayo leh, xaqiijinta iyo isticaalka xog caafimaad oo sugan iyo kobcinta awooda fulineed degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI

Comments are closed