London Jaaliyadda DDSI Ee UK Banaan-Bax Weyn Oo Laaga Soo Horjeedo Ginbood-7
London (NogobNews) 24/09/2016
Jaaliyada DDSI ee ku nool wadanka ingiriiska ayaa soo agaasimay banaan bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan ururada nabad diidka ah nolol diidka ah,maan gaabka ah ee maskax-doodu faaruqa tahay ee GiNBOOt7, ONAG IYO UBBO. ee raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan heeryadii gumaysiga, cadaadiskii iyo dhiig-miiradkii dhargiga uu gabbalkoodu dhacay ee kiniisadaha looga talin-jiray islamarkaana diidan nidaamka federalismka ah ee dawa noolaanshaha qoomiyadaha daleena itoobiya iyo dastuurka dalkaba.
Baxaan baxan oo maanta galinkii danbe ka dhacay magaalada London gaar ahaa goobta high park ee caasimada dalka ingiriiska ayaa waxaa isugu yimiday jaaliyada DDSI ee ku dhaqan wadanka UK oo ka kala socay gobolada dalka ingiriisha iyo caasimadaba, kuwaasi oo ku dhawaaqayay ‘Ginboot7 down, Onag down iyo ubbo down.’ Taasi oo macnahoodu yahay ‘hadhaaga diciifka ah ee ginboot7, Onag iyo Ubbo ma arki karno ha dhacaan’ iyagoo dhanka kalana ay boodhadhka ugu qoraayeen islamarkaana kudhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan nidaamka federalismka ah ee ku dhisan rabitaanka iyo raali noqoshada qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya, dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada iyo waliba dastuurka dalka iyag oo sidoo kale ku dhawaaqayay ‘Guul XDSHSI, Guul xukuumada DDSI’
Hogaaminta jaaliyada DDSI ee UK oo la hadashay warbaahinta ku hadasha afka soomaliga ayaa amaan, bogaadin iyo taageero balaadhan u soo jeediyay Xisbiga EPRDF ee wadanka ku hogaaminaya nidaamka federalismka ah ee ku salaysan dimoqraadiyada, sinaanta iyo cadaalada islamarkaana uu dhex-yaalo dastuurka loo wada siman yahay. Waxayna taageero buuxda u muujiyeen xukuumada DDSI ee uu majraha u hayo madaxwayne cabdi maxamuud cumar.
Dhanka kale xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo bogaadiyay banaanbaxan ayaa halkan uga hambalyaynaya islamarkaana u mahadcelinaya jaaliyada DDSI ee wadanka Ingiriiska ku nool iyag oo talaabadooda kutilmaamay mid geesinimo, karti iyo ficil wadaniyadeed leh islamarkaana ku dayasho mudan.
Comments are closed