Ogaysiis Jaaliyada DDSI Ee Wadamada Benlux Iyo Faransiiska.

1474917321452Brussels (NogobNews) 26/08/2016

Ogaysiis dhamaan jaaliyada DDSI ee ku nool wadamada Benlux iyo faransiiska waxaa la ogaysiinayaa inay ka soo qayb galaan banaan bax wayn oo lagu qaban doono wadanka Belgiumka magaalada Brussels.

Banaanbax lagaga soo horjeedo hadhaagii guumaysiga ee  ururada nabad iyo nololdiidka ah ee Ginboot7, Onag, Ubbo

iyo wixi la halmaala kuwaas oo raba inay dalkeena itoobiya dib ugu soo celiyaan nidaamyadii cadaadiska, xasuuqa, guumaysiga  iyo cabudhiska ku dhisnaa  islamarkaana diidan nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka ee saldhiga u ah sinaanshaha qoomiyadaha dalkeena itoobiya, dimuqoraadiyada, xasiloonida iyo koboca dhaqaalaha dalka iyo deegaanada.

Haddaba, baxaan baxan waxa uu dhacayaa maalinta ay taariikhdu tahay 28 September, 2016, saacaduna tahay11:00AM, goobta uu ka dhacayaa waa Rond point schuman. Brussels 1040 Belgium.

Wixii faah faahina ee intaa dheer kala xidhiidh, Xidhiidhiyaha guud ee  mudaharaadka :-  mudane Dr.Abdulahi Abdi Mohamed,  Telefoonka , 0032465217338.

Comments are closed