Madaxweynaha DDSI oo Shir Jaraa’id Qabtay Banaan-bixii Kadib

1473609014014Jigjiga (NogobNews) 27/09/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay banaanbaxii kadib wuxuu sheegay innidaamka federalismka ah iyo dimoqraadiyada kahanaqaaday itoobiyada cusub ay abuurtay in qowmiyadaha iyo shucuubaha itoobiya ay si nabad ah ugu wada noolaadaan dawlad deegaanada dalkeena. Sidaadarteed, waxaan si kulul ucambaaraynaynaa ayuu yidhi madaxwaynuhu ‘dhacdadii foosha xumayd ee lagu soo barakiciyay dadka udhashay deegaanka tigray ee daganaa deegaanka axmaarada’. Arintaas oo ah mid ay kafaaiidaysan karaan dadka aaminsan fikirada cidhiidhyoon iyo mida islawaynida qayaxan inay dhacdadan mid lamid ah kasameeyaan deegaanada kale ee dalkeena.

Hadaba madaxwayne CMC ayaa cadeeyay in kaladuwanaanshaheena qowmiyadeed, luuqadeed, diimeed, dhaqameed iyo deegaaneed ee aan leenahay ay tahay quruxdeena iyo midnimo kuwada noolaanshaheena kudhisan dastuurkeena.

Waxaan mar labaad cambaaraynaynaa ayuu yidhi madaxwaynuhu dhacdadan lagu barakiciyay dadka udhashay tigray. Waxaana leenahay waa in iyadoon wakhti lasiinin si deg-deg ah loo xaliyo dhibaatada dadkaas loo gaystay.

Comments are closed