Weriye ka tirsanaa Radio Shabelle oo Muqdisho lagu diley

muqdishoMuqdisho (NogobNews) 27/09/2016

Waxaa goor danbe oo maanta oo Salaasa ah lagu diley Muqdisho weriye Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa Radio Shabelle.

Dilka weriyaha ayaa ka dhacay degmada Yaaqshiid, waxaana wararku sheegayaan kuwii dilka geystay in lugahoodu furan yihiin oo ay ka baxsadeen goobtii ay wax ku dileen.

Weriyaha la diley ayaa Radio Shabelle ku sheegay in uu kamid ahaa weriyaasha wararka magaalada ka soo ururiya, waxaana uud eganaa degmada lagu diley ee Yaaqshiid.

Comments are closed