Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan xuska maalinta kala korinta dhalaanka/ qorshaynta qoyska wasiirka xafiiska caafimaadka mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sharax dheer ka bixiyay ahmiyada ay leedahay qorshaynta qoysku ama kala korinta dhalaanku. Wasiirka ayaa ka warbixiyay siyaasada caafimaadka ee deegaanka iyo dalkaba iyo guulaha laga gaadhay adeegyada caafimaadka balse aan wakhiyadii hore muhiimad gaar ah la siin qorshaha qayska ama kala korinta caruurta haddase loo dajiyay qorshayaal lagu hirgalinayo qorshaha qayska/kara korinta caruurta si loo xoojiya caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.
Waxaa kale oo ka hadlay munaasabada xuska wasiirka haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe waxayna sheegtay in ay farxad u tahay munaasabadan xuska maalinta kala korinta caruurta oo markii ugu horaysay ee laga xuso dalkeena itoobiya lagu qabto caasimada DDSI. waxayna ka warbixisay wasiiradu ahmiyada ay leedahay kala korinta caruurtu gaar ahaan dhinacyada caafimaadka hooyada, caafimaadka ilmaha.
Munaasabadan oo halku dhig looga dhigaY” qorshaynta qoysku waa aas aaska nolol horumarineed” ayaa Dhankooda culima udiinta deegaanka iyo masuuliyiin ka socday heer fadaraal oo ka hadlay xuskan waxay ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay in la kala koriyo caruurta / qorshaynta qoyska iyo waliba faa’iidooyinka caafimaad ee ay ilmaha u leedahay nuujinta naaska hooyadu.
Comments are closed