Waxaa Maanta garoonka caalamiga ee Garaad wiil-waal Airport ku sii sagootiyay Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI Mudane Mowliid Haayir iyo Wasiirka horumarinta jidadka Mudane C/raxman Maxamed Xasan, Maareeyaha Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta Mudane Maxamuud Ahmed Nuur (Heeryo), Wasiir kuxigeen Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir, Mudane Cabdi Bari iyo Masuuliyiin kale ayaa Garoonka Ku siisagootiyay.
Mudane Fatxi Cali Shariif (shariifka) iyo marwo Istaahil Maxamed Khaliif (princess istaahil) ayaa warbaahinta DDSI kulan hadleen hoolka nasashada ee Garoonka waxeyna u mahadceliyeen masuuliyiinta sida weyn ay u soo sagootiyeen waxaa kaloo uu sheegay in Honeymoon ay ku tagi doonaan Singapore oo ah goobaha caalmak inta badan ay u soo dalxiis tagaan.
Ugu dambeyntii Waxaa kale uu hadalkiisa siiraaciyay Fatxi in dhamaan Masuuliyiinta iyo Gudigii qaban qaabada sida wanaagsan ay u soo agaasimeen uu aad uga mahadcelinayo iyo asxaabtiisa sida weyn ay ugu soo hambalyeynayaan
Comments are closed