Turkiga oo saldhig ciidan ka furanaya magaalada Muqdisho

turki-768x430Turkiga (NogobNews) 01/09/2016

Dalka Turkiga ayaa la sheegayaa in uu geba-gebaeeyey qalabeynta Saldhig Millateri oo uu ku yeelanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ciidamo gaaraya 200 oo askeri ayaa lagu wadaa dowladda Turkiga in ay keento Saldhiggeeda Muqdisho, kuwaasoo wajiga koowaad tababar siin doona 10,500 ) oo askar Soomaliyeed ah.

Saldhigan oo ah kii ugu horeeyay ee uu Turkigu ka furto Qaaradda Afrika ayaa waxaa degi doona ciidamo Turki ah, kuwaasi oo tababar siin doona tababar ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Waxaa saldhiggan ansixisay Qaramada Midoobay, wuxuu noqon doonaa saldhigii labaad ee caalamka uu ku yeesho Turkiga, marka laga reebo saldhig ay Turkiga ka furtay bishii Abril ee sanadkan 2016 Dalka Qadar.

Dalka Turkiga ayaa ah dalka taageero dhinacyo badan siiya dowladda Soomaaliya.

Comments are closed