Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u dhaqaaqday, uuna filayo in dhalinyarada iyo haweenka u hanqal taagaya inay u tartamaan kuraasta labada aqal ay door weyn ka qaadan doonaan safarka dowlad dhisida ee Soomaaliyada cusub.
Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyinkan dadban ee lagu heshiiyey si aloo abuuro kalsooni sal adag leh oo shacabka ka dhexeeya.
“Doorashada sannadkan 2016 waa tallaabo taariikhi ah oo waddanka loogu diyaarinayo doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka. Waxaa hadafkeenu uu yahay inaan dhisno Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo wada oggol’’
Comments are closed