Daawo Doorashada USA: Murashax Trump oo lagu eedeyey inuusan Canshuurta bixin – VIDEO

fadeexada-canshuurta-trumpMareykanka (NogobNews) 03/10/2016

Xog cusub oo ay shaacisay Jariirada The New York Times ayaa lagu sheegay in murashaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump oo ah nin maalqabeen ah oo leh shirkado badan uusan wax canshuur ah bixin muddo ku dhaw 18 sano.

fadeexada-canshuurta-trump2

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Donald Trump uu sanadkii 1995 dowlada u gudbiyey inuu falisay oo ay shirkadihiisa dhumiyeen in ka badan 900 milyan oo dollar, taasi oo fursad u siineysa in laga joojiyo canshuurtii laga qaadi jiray muddo 18 sano ah.

Fadeexadan ayaa kusoo beegantay xili Murashaxada la tartameysa ee Hillary Clinton ay ku eedeysay Trump inuu diidan yahay inuu soo bandhigo xogta canshuuraha uu bixiyo, maadaama uu ka cabsi qabo in dadku arkaan sida uusan u bixin canshuurta.

Dalka Maraykanka ayey caado ka tahay in murashaxiinta u tartama xilka Madaxweynaha ay soo bandhigaan kahor doorashada dhaqaalahooda iyo waliba canshuuraha ay bixiyaan, si dadka ay u ogaadaan meesha ay lacagta kasoo gasho.

Balse Donald Trump ayaa noqday murashaxii ugu horeeyey oo diida inuu xogta dhaqaalihiisa uu shacabka u shaaciyo.

Murashax Trump ayaa dhanica kale isagu weerar ku qaaday Murashaxa Hillary Clinton oo uu ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya iyada iyo ninkeeda Madaxweynihii hore ee Bill Clinton oo uu ku eedeyey in labaduba ay sameeyeen gogoldhaaf!

Comments are closed