Suxufigan ayaa kamid ahaa saxaafada warka kasoo tabinayey magaalada Sirte oo ay dagaalo ku dhexmarayaan xoogaga Daacish (ISIS) iyo ciidamada dowlada Liibiya.
Waxaana la sheegay in suxufigan uu la socday ciidamada Dowlada Liibiya, kadibna ay meel dheer kasoo toogteen dagaalyahanada ISIS ee weli ka dagaalamaya qeybo kamid ah magaalada Sirte.
Jeroen ayaa kamid ahaa suxufiyiinta faro ku tiriska ah ee ajnabiga ah ee hada wararka kasoo tabiya dagaalada kasocda dalka Liibiya. Wuxuuna sidoo kale kasoo shaqeeyey wadamada Afghaanistaan iyo Siiriya.
Sawirqaadahan ayaa sanadkii 2012 waxaa lagu afduubtay waqooyiga wadanka Siiriya isagoo xiligaasi la socday suxufi kale oo u dhashay UK, waxaana afduub loo heystay muddo 10 maalmood ah kahor intaysan soo siideyn xoogaga Mucaaridka Siiriya.
Comments are closed