Marka: Madfac ku dilay lix qof oo hal qoys wada ah

markoMarko (NogobNews) 05/10/2016

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ee ayaa sheegaya in lix qof oo isku qoys ah ay dhinteen, kadib markii uu madfac ku dhacay guri ay deganaayeen.

2 qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen madfacaasi
Guriga ayaa ku yaalla tuulo lagu magacaaboFaranga oo u dhexaysa deegaanada Buufow iyo Janaale.

lixda qof ee dhintay ayaa afar ka mid ah waxa ay ahaayeen carruur, sidawarbahinta u sheegay gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar.

Waxa uu intaasi ku daray guddoomiyaha in madfacaasi ay soo tuureen AMISOM oo saldhig ku leh deegaankaasi.

..AMISOM mar kasta oo la soo weerarro ama qarax lala eegto sax ma aahn in ay ka aargoostaan dadka rayidka ah, marar badan ayaan arrintan kala hadalnay ayuu yiri guddoomiyaha degmada MarkaXasan Cumar.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka AMISOM ayaa weli ka hadlin in madfacaasi ay iyaga tureen iyo in kale.

Comments are closed