UK oo ka hortimid Shuruucda Xaquuqul Insaanka ee Midowga Yurub – VIDEO

ukLondon (NogobNews) 05/10/2016

Dowlada Ingiriiska ayaa wada qorshe ay askarteeda uga xijaabeyso in la horgeeyo maxkamadaha xaquuqul Insaanka ee Midowga Yurub.

Wasaarada Difaaca ayaa sheegtay inay sare usii kaceyso tirada dacwadaha ka dhanka ah askartooda oo ay soo gudbinayaan shaqsiyaad, isagoo sheegay in dacwadahaasi inta badan loo adeegsado shuruucda xaquuqul insaanka ee u yaal Midowga Yurub.

Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in hada wixii ka danbeeya askartooda aan la hoos geyn doonin shuruucda Xuquul insaanka ee EU-da balse lagu maxkamadeyn karo oo kaliya Sharuucda caalamiga ah ee Geneva iyo sharciyda u yaal Wadankaasi UK.

Askarta Ingiriiska ee kasoo dagaalamay dalalka Ciraaq iyo Afghaanistaan ayaa qaarkood lagu soo oogay danbiyadii ay u geysteen shacabka dalalkaasi xiligii ay hawlgalka ku jireen, arrintan oo ay xukuumada UK sheegtay inay uga baxday dhaqaale badan.

Comments are closed