Daawo Koonfur Afrika: Banaanbaxyo ay dhigeen Ardayda Jaamacadaha oo isu bedalay Rabshado – VIDEO

south-africaSouth-Africa (NogobNews) 05/10/2016

Ardayda dhigata Jaamacadaha dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan qiimaha waxbarashada oo sare loo qaaday, arrintaasi oo dhibaato ku ah dadka saboolka ah.

Inta badan ardayda ka yimid qoysaska saboolka ah ee u badan Madowga Koonfur Afrika ayaa u arka in sare u qaadista qiimaha lagu dhigto jaamacadaha ay keeni doonto in ay hoos u dhacdo tirada ardayda dhigata Jaamacadaha wadankaasi.

Waxaa horey u jiray farqi weyn oo u dhaxeeya tirada Ardayda Madowga ah ee waxbarta iyo kuwa maalqabeenka ah ee intooda badan kasoo jeeda Cadaanka dalkaasi.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ka hortimid in wax banaanbaxyo ah ay dhigaan Ardayda, arrintaasi oo keentay in ciidamada Booliiska ay awood u adeegsadaan ardayda Mudaharaadayey.

Comments are closed