RW Itoobiya oo Maanta ku dhawaaqay in Xaalad deg-deg ah ay kusoo Rogeen Dalka
Addisababa (NogobNews) 09/10/2016
Xukuumadda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday Lix bilood oo xaalad degdeg ah, “Xaaladda degdegga ah lagu dhawaaqey ka dib markii wadahadal buuxa oo ay Golaha Wasiirada oo isku raacay. kadib Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa xaaladda deg-dega ah ee dalka la geliyay kaga dhawaaqay Maanta oo Axad ah – Telefishinka Qaranka ee EBC ” Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa sheegay.
“Waxaan Xooga saaraynaa ammaanka muwaadiniinta ‘marka hore. Ka sokow, waxaan rabnaa in la joojiyo waxyeello in ay soo gaaraan Goobaha Muhiimka ah dhanka mashaariicda kaabayaasha, hay’adaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka, maamulka iyo dhismayaasha caddaalad,” ayuu yiri. Hailemariam Desalegn
Xaaladda degdegga ah kuma xad gudbi doonto xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Dastuurka iyo xuquuqda diblomaasiyadeed ayuu hadalkisa raaciyay Waxaana la sameyn doonaa guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha si ay ula socdaan “Xaaladda degdegga ah isla markaana ay ka caawin doonaan soo celinta nabadda iyo ammaanka. Waxaa sidoo kale loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan horumarka dadaalada ay sameeyeen si loo xaliyo dhibaatada si nabad ah,” Hailemariam Desalegn xusay.
Ra’iisul Wasaaraha Hailemariam ugu dambeyntii ugu baaqay dadka in ay gacmaha qabsadaan xukuumadda ee dadaalada socda si ay u ilaaliyaan nabadda.
Comments are closed