Wasiirka Xeer-ilaaliyaha Guud Itoobiya Getachew Goobo Bandow la Saari doono

Wasiirka Xeer-ilaaliyaha Guud Itoobiya Getachew Goobo Bandow la Saari doonoAddisababa  (NogobNews) 10/10/2016

Wasiir Xeer-ilaaliyaha Guud Itoobiya Mudane Getachew Ambaye, ayaa shir jaraa’id kaga warbixiyay Xaaladda degdegga ah waxay ka kooban tahay tallaabooyinka ayaa Xukuumadda ay soo saari doontaa islamarkaana waxaa mamnuuc ah inta lagu jiro xeerka xaaladda degdegga ah

Getachew ayaa sheegay in xukunka degdegga ah ee lagu dhawaaqey waxey soo celineysa amni iyo xasiloonida Gobolka Axmaarada iyo Oromada ee mudaharaadyo rabshado wata ka dhacay oo khasaaro soo gaaray xafiisyo iyo goobo warshado markey xaaladaasi timaado xukuumadda waxaa waajib ku ah in sharciga dalka uu dhigayo lagu xakameeyo islamarkaana la fuliyo sifa  loo sugo dhamaan dalka amaan kiisa loona ilaaliyo dhibaatooyinka dadweynaha in ay waxyoolo soo gaaraan ayuu yiri.

Getachew wuxuu sheegay in goobo ka mid ah Ismaamulka lagu soo rogi doono bandow inta lagu jiro xeerka xaaladda degdegga ah, ayuu yidhi Getachew.

Ugudanbayna Ismaamulka dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ah Ismaamulka waqtigan Xaadirka Ah Ismaamulada kale kaga horeeya dhanka Nabad-gelyada iyo hormarka RW Hailemariam Desalegn oo baarlamaanka dawlada Federaalka itoobiya ku Ammaanay Ismaamulka dawlada deegaanka Somalida itoobiya sida xawliga ah ay kaga hireeyaan Ismaamullada kale.

Comments are closed