Donald Trump oo haddii Madaxweyne loo doorto ku hanjabey in Hillary Clinton xabsiga ka qaylin doonto

Mareykanka (NogobNews) 10/10/2016

Habeenkii xalay waxaa doodii labaad oo Malaayiin qof daawanayaan isugu yimid Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo Musharaxa kale ee Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton.

hill_trump

Dooda habeenkii xalay ayaa lagu tilmaamey in ay ahayd tii ugu hadal adkeyd uguna wasakhaysneyd ee ay isugu yimaadaan laba Musharax.

Donald Trump oo 48 saac ee la soo dhaafey haysatey dhibaato uu raaligelin ka bixiyey Muuqaal Washington Post heshay kadib markii Mikrofoon furan uu haweenka ka sheegay hadalo galmada la xiriira iyo sida uu haweenka jidhkooda u haabto, ayaa dooda yimid isaga oo doonaya in uu iska dhaqo wixii ay saxaafaddu wadey labadii maalmood ee u danbeysey.

Doodan oo ka dhacdey Jaamacadda Washington ee magalada St. Louis gobolka Missouri ayaa ka duweneyd tii ka horeysey ee ka dhacdey magaalada New York, waxaana su’aalo weydiinayey dad la soo xulay oo aan weli go’aan ka gaarin cidda ay u codeynayaan.

Donald Trump oo in badan ka leexanaayey su’aalaha la weydiinayey oo 2 daqiiqo ee uu haysto isku dayaayey in uu weerar ku qaado Hillary Clinton, ayaa la weydiiyey in uu haweenka ceebeystey kadib markii uu sheegay in aanu iska qaban karin oo dhunkasho ku bilaabo kuwa soo jiita, ayaa sheegay in hadalkaas uu ka yiri goob xiran oo ay ahayd hadal gaar ah oo ay qof wada sheekaysanayeen, waxaana uu ku tilmaamey in ay ahayd hadal keliya oo uu aad uga xunyahay, Hillary Clinton oo ka faa’ideysaneysa ayaa sheegtey in ay hadal ka weynedy oo ay ahayd mid muujineysa qofka uu yahay Donaland Trump.

Trump ayaa goobtii doodu ka dhacaysey ku casumey saddex haween ah oo sheegta in ay dhibane u yihiin Bill Clinton kuwaas oo uu kufsadey mudaddii u dhexeysey 1979-1991, waxana uu sheegay in isaga wixiisi hadal yihiin laakiin haweenka cidda xumeysey oo bahdishey ay yihiin Bill Clinton iyo Hillary oo ku difaacdey.

Donald Trump ayaa sidoo kale ku weeraray Hillary Clinton in aysan daacad ahayn oo markii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda ay isticmaashey Server gaar ah oo iyadu leedahay, kadibna ay masaxdey 33000 oo fariimo ah, hadalka ayuuba sii fogeeyey oo sheegay.

– Haddii la i doorto oo aan noqdo Madaxweynaha Maraykanka, waxaan kuu sameyn dacwad ooge gaar ah oo ku daba gala adiga iyo beenta aad samaysey, waxaadna fadhin doontaa Xabsi.

Waa markii u horeysey ee taariikhda Maraykanka Musharax uu mid kale ugu hanjabo in uu dacweyn doono, kadibna uu xabsi mudan doono.

Dooda oo ahayd mid aad u adag ayaa dadka badankood sheegayaan in aanu jirin musharax si weyn u guuleystey, waxaase la isku raacsan yahay in Donald Trump uu ka wanaagsanaa doodii tan ka horeysey oo uu u diyaar garoobey, marka la eego sida uu difaaca u geliyey Hillary.

Donald Trump ayaa jaahwareer ku ridey xisbiga Jamhuuriga iyo siyaasiyiinta awooda kuleh, kuwaas oo qaar badan, 48 saac ee la soo dhaafey taageerada kala noqdey, waxaana ay sheegaan in uu yahay nin loo soo direy in uu xisbiga bur-buriyo.

Hillary Clinton ayaa iyadu haysata khibrad ku filan oo ay Madaxweyne ku noqoto, nasiibdarada haysata ayaa ah in badan oo kamid ah ah shacabku ma aaminsana waxayna u arkaan qof aan la aamini karin, taas oo keeni karta in qaar badan oo kamid ah kuwii u codeyn jirey Dimoqraadigu ay u codeeyaan odayga siyaasadda ku cusub Donald Trump.

Dooda ugu danbeysa ayaa dhici doonta 19 Oktoobar gobolka Nevada, maalinmta doorashada ayaa ah 8 Nofeember, waxaana qiyaasta guusha ku horeysa ilaa hadda Hillary Clinton.

Comments are closed