Nogob News
Wararka DDS
Wararka Caalamka
News in English
Nogob News
Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 1aad Ee Gobalka Erer Oo Soo Gabagaboobey
Fiiq (NogobNews) 14/10/2016
Shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka Erer oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta degmooyinka gobalka Erer ayaa kusoo gabagaboobey magaalada Fiiq ee xarunta gobalka Erer.
Hadaba shirka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka Erer oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobalka Erer mudane
Axmed Xaaji Adan
ayaa sheegay in shirkan uu yahay shirkii qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee sanad miisaaniyeedka 2009TI kasoo xooga lagu saarayay waxqabadka dhinacyada kala duwan ee horumarka sida beeraha, biyaha, caafimaadka , waxbarashada iyo qaybaha kaladuwan ee adeeg bixinta bulshada . Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay masuuliyiinta in waxqabadyada ay soo jeediyeen rubaca 1aad iska saxaan wixii dhaliil ah ku jira islamarkaana ay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee kahanaqaaday guud ahaan DDSI.
Dhanka kale waxa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiintii kasoo qaybgalay shirka qiimaynta waxqabadka rubaca 1aad ee gobalka Erer oo sheegay inay soo jeediyaan waxqabkii ay qabanteen rubac 1aad iyagoo intaa ku daray inay iska sixi doonaan wixii dhaliil ah ee loosoo jeediyay
Comments are closed
Comments are closed