Hantidhawraha Guud Ee DDSI Oo Tababar U Furay Xifradlayaasha Hantidhawrka DDSI.

screenshot_20161014-190536Jigjiga (NN) 14/10/2016

Tababar  uu soo diyaariyay xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI ayaa waxaa  loo qabtay shaqaalaha xafiiska hantidhawrka DDSI   gaar ahaan xirfadlayaasha hantidhawrka. waxayna  ujeedadiisu tahay sidii kor  loogu qaadilahaa awooda iyo garaadka xirfadeed ee hantidhawrayaasha, xoojinayo nidaamka dabagalka iibka, hantida dawlada, nidaamka baadhitaanka cashuuraha,  xaqiijinta iyo dabagalka Qulqulka Miisaaniyada,  kor u qaadida Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka.

screenshot_20161014-190518Waxaana furitaankii tababarka  ka hadlay hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusow Cali  oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan wuxuuna sheegay in uu yahay mid kor loogu  qaadayo  Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka. Isaga oo    ka waramay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee u yaala xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI.

Hanti’dhawraha guud isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku dheeraaday ahmiyada uu tababarkani u leeyahay xirfadlayaasha hantidhawrada taasi oo fahan buuxa laga siinayo ayuu yidhi,  nidaamka xoojina  dabagalka iibka, hantida dawlada, Nidaamka baadhida iyo dabagalka cashuuraha. Wuxuuna ku booriyay xirfadlayaasha hanti’dhawrayaasha  in ay mudada uu socto tababarkani si fir fircoon  uga qayb qaadaan.

Tababarkan oo socon doona muddo 15 maalmood ah ayaa waxaa cashiradiisa bixinaya khabiirada xafiiska hantidhawrka oo khibrad badan iyo aqoon dheer u leh cashiradan la siinayo xifdadlayaasha hantidhawrka..

Comments are closed