Dhagaxbuur iyo Kormeer lagu Soomaray Dhismaha Kuliyada TVET ka

screenshot_20161014-191123Dhagaxbuur  (NN) 14/10/2016

Mas’uuliyiin uu horkacayo wasiir kuxigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta (TVET) ee DDSI ayaa kormeer indho indhayn ah kusoomaray mashruuca dhismaha kuliyada tababarada, xirfadaha iyo farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur.

screenshot_20161014-191521Hadaba, kormeerkan oo uu hogaaminayay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane ayaa sheegay in kormeerkani ahaa mid lagu indho indhaynayo sida uu u socdo dhismaha kuliyada farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur. Wuxuuna xusay in dhismaha kulyadu ay usocoto sidii larabay islamarkaana ay marayso meel gabo gabo ah.

screenshot_20161014-191534wasiir kuxigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa carabka kudhuftay in kuliyadan loogu talagalay in ay kasoo baxaan xirfadlayaal waxsoosaar leh islamarkaana qayblibaax kaqaata hormarkan xawliga ah ee deegaanka kasocda

Ugudanbayna wuxuu tilmaamay in kuliyadani ay kamid tahay 6 kuliyadood oo qorshaysnaa dawlada islamarkaana ay sifiican u hirgaleen.

Comments are closed