Shirkadda Ethiopian Airlines oo Maanta ka Bilaawday Duullimaadyada Qabridahare Jigjiga

screenshot_20161014-195827Jigjiga  (NN) 14/10/2016

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa duullimaadyadii ay ku imaan jirtay garoonka diyaaradaha jigjiga Godey ayaa Maanta waxaa si rasmi ah dib u bilaabmay duulimaadyada Jigjiga Qabridahare

Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta DDSI in diyaaradda Ethiopian Airlines ay Maanta si rasmi ah duulimaadyadii u bilaawday jigjiga Qabridahare.

“Diyaaradda Ethiopian Airlines, waxay duulimaadyadeedii joogtada ahaa ee ay Jigjiga Godey ay ku imaan jirtay ayaa Maanta jadwalka ku soo biiray Qabridahare  Waxaana Shirkada Ethiopian  Airlines uga Mahad celineysaa mas’uuliin howshan hirgaliyay gaar  ahaan Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kaalinta koowaad ka qeybqaatay in Xukumadda DDSI uu hogaaminayo ay Isbadalka dhanka horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ka hirgaliyeen deegaanka Somalida itoobiya.

Comments are closed