Kulan Lagaga Hadlayay Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay MM Dhagaxbuur.

screenshot_20161018-171350Jigjiga (NogobNews) 18/10/2016

Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur.

Kulankaa oo loo qaybtay qabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan mm dhagaxbuur ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin hogaan ku xigeenka nabadgalayda, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Maxamed Xasan Suufi.

Waxaana kulankaasi ka hadlay hogaanku xigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed nabadgalyo iyo maamul wanaaga u dajisan xukuumada DDSI. wuxuuna u sheegay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay yihiin mulkiila yaasha howlaha horumarka iyo nabadgalyada, hirgaliyayaasha iyo ka faa’iidaystayaasha hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. Wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada in ay sii xoojiyaan hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Waxaa kale oo ka hadlay kulankaa gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane maxamed xasan suufikuwaasi oo ka warbixiyay  guulaha ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ka soo hooyeen qorshayaasha horumarka ee u dajisanaa  loona baahan yahay in la sii xoojiyo si loo  loo tir tiro saboolnimada looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay sii  xoojinayaan hirgalinta qorshayaasha horumarka  iyo nabadgalyada.

screenshot_20161018-171408

Comments are closed