Hadaba xiritaankii xafladan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka waxbarashadamudane Mowliid Haayir Xasan oo ugu horayn u mahad celiyay ururka ardayda midowga DDSI oo sanad walba ardayda deegaanka ku caawiya labada bilood ee fasaxa ah sidoo kalana kor uqaaday tayadii ardayda mudadii uu ururku aasaasnaa.
Wuxuuna madaxwayne kuxigeenku intaa ku daray inay ururku waxqabad buuxa ka qabtay waxbarashada mudadii uu aasaasnaa. Isagoo sidoo kale xusay inay balantii ay kasoo baxeen,
Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii kale ee kasoo qaybgalay xaflada xidhitaanka oo sheegay in uu ururuku ay ka qaybqaateen waxqabadyo kale duwan oo dhanka horumarka ah iyo ka qaybqaadashada bulshada iyagoo ururka mudadii ugu danbaysay kasoo hoyiyay dhanka waxbarashada guulo wax ka ool ah.
Comments are closed