Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal ku wajahan dhinaca Wax Soo Saarka Beeraha. Jigjiga
Jigjiga (NogobNews) 19/10/2016
Wasiir ku xigeenka xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay fulinta qorshihii dhinaca wax soo saarka beeraha.
Wuxuuna, sheegay wasiir ku xigeenku in isteraatijiyada iyo yoolasha horumarineed ee lagu hirgalinayo nidaamka warshadaha ay tahay mid lagu hagayo ama lagu gaadhayo kobcinta awooda dhinaca wax soo saarka beeraha.isaga oo tilmaamay wasiir ku xigeenku in deegaankeenu xaqiijiyay dhisita iyo xoojinta awooda fulineed ee dhinaca wax soo saarka beeraha oo ah tubta kaliya ee lagu gaadhayo horumar waara, joogtaysan oo dhinaca kasta leh islamarkaana ay tahay nidaamka lagu tir tirayo saboolnimada.
Waxaa kale oo uu sheegay wasiir ku xigeenku in xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI in uu dhamays tiray diyaarinta nidaamkii ay bulshada uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka dalaga kala duwan ee dhinaca beeraha gaar ahaan dhinaca qabadinka taasi oo looga faa’iidaysanayo waraabka wabiyada deegaanka, kaydinta biyaha cirka iyo soo saarista biyaha dhulka hoostooda. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray wasiir ku xigeenku in wax soo saarkii dhinaca calafka xoolaha ee sanadkii hore ka soo go’ay Gobolka Shabeele uu wax wayn ka qaybtay abaarihii ay keentay cimilada isbadashay ee saameeyay qaarka mid ah gobolada deegaanka iyo deegaanada dariska.
Ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku sharax ka bixiyay in xudunta istaraatijiyadeed ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaaluhu tahay, fulinta kobcinta awooda wax soo saarka beeraha iyada oo looga faa’iidaysanayo tabaha casriga ah.
Comments are closed