Murashaxiinta doorashada madaxnimo ee Mareykanka oo Dooddii u dambeysa foodda isku-daray

helyMareykanka (NogobNews) 20/10/2016

Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, Donald Trump ayaa diiday ballanqaadida in uu aqbalayo natiijadda doorashada bisha soo socota ka dhici doonta Maraykanka, xilli uu dood kulul la yeeshay Hillary Clinton.

Donald Trump ayaa ku celiyay eedeyntiisa ahayd in nidaamka doorashada looga shubtay, wuxuuna sheegay in uu arki doono sida ay wax u dhacaan.

Hillary Clinton ayaa xustay inay ka argagaxday in musharrax madaxtinimada Maraykanka ah uu feker noocaasi ah qabo, waxaana ay Trump ku eedeysay inuu hoos u dhigay Dimuqraadiyadda Maraykanka.

Sidoo kale, Mar uu ka hadlayay dagaalka ka socda magaalada Xalab ee waddanka Suuriya, ayuu Trump wuxuu ku tilmaamay musiibo, asagoo xaaladda magaaladaasi ku eedeeyay in ay lug ku lahayd Mrs Clinton.

Wuxuuna intaas ku daray in madaxweynayaasha Ruushka iyo Suuriya ay Maraykanka uga aqli badiyeen dagaalka ka socda dalkaasi.

Dhanka kale, Hillary Clinton ayaa ku eedeysay Trump inuu taageersan yahay Ruushka, Waloow ay sheegtay in Waddankaas uu doonayo in uu Galaan-gal ku yeesho Natiijada doorashadda Maraykanka.

Ugu dmbeyn, Dooddii xalay ayaa ahayd tii ugu Dambeysay ee ay yeeshaan Musharraxiinta ka hor Doorashada Madaxnimo ee Mareykanka ka dhicaysa Talaalada ugu horreysa Bisha November ee soo socota oo ku began 01-da bishaas.

Comments are closed