Jeneraal Morgan oo looga guuleystay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Puntland

morganGaroowe (NogobNews)20/10/2016

 xamed Siciid Xirsi [Moorgan] oo ka mid ahaa xubnihii u tartamayay Aqalka Sare ee Puntland ku metelaya Baarlamaanka Somalia ayaa looga Guuleystay Doorashada, kaddib markii uu Codad badan helay Musharraxii la tartamayay.

Bootaan Barre Samatar oo ahaa Musharraxii Tartanka la galay Jen. Morgan ayaa helay 38-cod, halka Jen. Moorgan uu ka helay 27-cod oo keliya, Taasoo ka dhigan in kursiga uu ku guuleysto musharrax Bootaan.

Sidoo kale, Jen. Maxamed Siciid Xirsi [Moorgan] ayaa wuxuu ka mid ahaa xubno Beesha Calaamku ay dhawaan inaan lagu soo darin Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cusub ee Somalia oo Qayb dhismihiisa ka mid ahi ay haatan socoto.

Dhanka kale, Waxaa Xubinnimada Aqalka Sare horay loo doortay RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali iyo Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, kaddib markii ay ka adkaadeen xubnihii kuraastooda kula tartamay.

Xunaha kale ee la doortay manta waxaa ka mid ah; C/risaaq Cismaan Jurille, Farxaan Cali Xuseen, C/salaan Xaaji Maxamuud, Mahad Daahir Sh. Nuur, Hodan Maxamuud Cismaan, Bootaan Barre Samatar iyo Maxamuud Axmed Maxamuud.

Ugu dambeyn, Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland ku Metelaya Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa weli ka socota Garoowe, iyadoo laga doonayo Puntland inay ka soo baxaan 11-xubnood.

Comments are closed