AKHRISO Magacyada Xubnihii kusoo baxay Doorashadii Aqalka Sare ee Maamulka Koonfur-galbeed

galbeedBaydhaba (NogobNews) 20/10/2016

Baarlamanka Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa doortay siddeedii xubnood ee Aqalka Sare, inkastoo qaar ka mid ah musharraxiinta oo ahaa 16 ay u tanaasuleen xubnihii kuraasta kula tartamayay taasoo fududeysay inay muddo kooban socotay doorashada.

Haddaba; Xubnaha maamulka Koonfur-galbeed ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedeaalka Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin;

  1. Cabdikaafi Macalin Xasan, Wuxuu ka guuleystay, Cali C/llaahi Isaaq
    2. Zamzam Ibraahim Cali, Waxaa u tanaasushay; Aniso Aadan Didow
    3. Timiro Maxamed Cali, waxay ka guuleysatay; Nuurto Nuur Jille
    4. Xuseen Sh. Maxamuud, Waxaa u tanaasulay; Xuseen C/raxmaan Ibrahim
    5. Aadan Cabdi Aadan, Waxaa u Tanaasushay; Muumino Saciid Mursal
    6. Ilyaas Cali Xasan, wuxuu ka guuleystay; Ibaahim Cali Axmed
    7. Xuseen Cali Xaaji Cabdalla, Waxaa u tanaasulay Cabdullaahi Cabdi
    8. Cabdulaahi Cabdi Gurruun, Waxaa u tanaasulay; Axmed Maadeey Isaaq

    Ugu dambeyn, Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa noqoday maamulkii saddexaad oo xubnaha Aqalka Sare ku meteli doona soo gudbiyay, iyadoo ay dhiman tahay Puntland oo ay doorashadu haatan ka socoto.

Comments are closed