Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray “waxaanu aduunweynaha u sheegaynaa in aan baarlamaanada Soomaaliya loo samaynayo lagu dariin dadkii dambiyadda ka gallay waqooyiga, in mar labaad layidhaa madax baa laga dhigayaa, oo ay is leeyahay kaga baxsada maxkamaddaha aduunka, ama tu labaad samayn karaan maadaama oo dambiyadii hore ee ay galeen aan nagala xisaabtamin”Guddoomiyaha baadhista Xasuuqqii Somaliland ka dhacay ayaa sheegay inay dadkaasi dambiyadda loo haysto doonayaan inay ku gabadaan xilalka ay doonayaan in loo dhiibo si aan sharciga loo horgayn, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego arrintan ay beesha caalamkuba ogaatay ee goleyaasha Soomaaliya loo samaynayo la leeyahay yaan lagu darin gacan ku dhiigleyaashii iyo dagaal oogayaashii, hadaba anagu waxaa liisaska dadkan dambiyadda xasuuqa ah ka gallay noogu jira oo qoraallo badan noogu kaydsan inuu Moorgan gacan ku dhiigle ahaa oo dagaal ooge ahaa oo ummadan waqooyiga joogay xasuuq ba’an u gaystay, kaasi ayaa imika la leeyahay Baarlamaananada Soomaaliya samaysanayso ha lagu soo darro, dadka dambiyadda cadcadi ka yaalaan ee qoran ee markhaatiyaal faro badan oo kaga furi kara dambiyadda ay galeen maxkamaddaha aduunka ayuu ka mid yahay Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, waxa kale oo ka mid ah Maslax Siyaad Bare, dadka noocaas ah ee dambiyadda bani’aanimada ka galay ayaa doonaya inay Baarlamaanadda Soomaaliya galaan si mar labaad dad kale u xasuuqaan”
Guddoomiyaha baadhista xasuuqyaddii Somaliland ka dhacay ayaa beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliyaba ka dalbaday in loo soo gacan galiyo raga u qoran inay dambiyada ka galeen wadanka, waxaanu yidhi “waxaan aduunweynaha iyo dawladda Soomaaliya ay noo soo qabtaan isaga iyo wixii la hal maalla, iyo liiska dheer ee aanu hayno ee dambiilayaasha dadkan xasuuqa u geystay oo doonaya mar labaad inay ku fadhiistaan kursi umad laga xukumo. “
Ugu dambeyn, Guddiga daba-galka Xasuuqyaddii wadanka ka dhacay ayaa la aasaasay sanadkii 1997-kii wakhtigaasi uu madaxweynaha ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ka dib markii laffo badan oo isku xidh xidhan ay daadad soo rogmaday soo saareen, kuwaaas,baadhitaan dheer ka dib loo aqoonsaday inay ahaayeen dad shacab ah oo wakhtigaasi lagu laayey goobta la yidhaa Marko durduro iyo Badh-ka oo ahaa goobaha inta badan dadka la geyn jiray sida ay xaqiijiyeen guddidan daba galka xasuuqyadda oo warbixino badan ka diyaariyey, isla markaana hay’addo caalami ah baadhitaanno ku sameeyeen xabaalo wadareedyadan laga helay koonfurta magaaladda Hargeysa.
Comments are closed