Codayntii Doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo La Soo Gabagabeeyay

11Garoowe (NogobNews) 20/10/2016

Waxaa goor dhawayd la soo gabagabeeyay codayntii doorashadda Xubnaha Puntland u matalaya aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay 11 Xubnood oo labo ka mid ah ay yihiin haween.

Codayntii doorashadda oo ka bilaabatay 9kii subaxnimo Xarunta barlamaanka Puntland, waxaa codaynayay 65 Xildhibaan oo kala dooranayay 25 musharax oo u tartamayay Aqalka Sare, iyadoo doorashaduna ahay mid qarsoodi ah oo codka lagu ridayay sanduuq muraayad ka samaysan oo la dhigay guddoonka barlamaanka hortiisa.

Xubnaha guulaystay Waxaa ka mid ah Siciido Xasan Cismaan oo la tartamaysay Saddex musharax oo rag ahaa oo uu ka mid ah Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha  Axmed Cabdalla Tigaana. Waxaa kaloo xubnaha Aqalka Sare ku soo biiray Labo Haween oo laga soo dhex doortay haween kale

Magacyadda 11 Xubnood ee Ku Guulaystay  Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka.

1.Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke 47 Cod kaga Guulaystay Aamina Aadan Cabdullaahi. oo heshay 17 Cod.

2.C/raxmaan Maxamed Faroole wuxuu 59 Cod kaga guulaystay Cabdi Mahdi Abshir oo helay 5 cod oo kaliya

3.C/risaaq Xasan Cismaan Juurile wuxuu helay 33 Cod, isagoo ka guulaystay Hodan ismaaciil Cilmi. oo heshay 32 Cod.

4. Farxaan Cali Xuseen wuxuu  36 cod kaga guulaystay Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo helay 29 cod oo kaliya.

5. Cabdisalaam Xaaji Maxamuud dheere wuxuu helay 40 Cod, iyadoo musharixii la tartamayayna uu helay 25 Cod

6. Mahad Sheekh Muur oo wuxuu 36 Cod kaga guulaystay Cabdixakiim Axmed Xaashi oo isagu helay 29 Cod

7. Hodan Maxamuud Cismaan ayaa 35 cod kaga adkaatay Basra maxamuud Geelle oo ay u codeeyeen 30 Xildhibaan

8. Bootaan Barre  Samatar wuxuu 38 cod kaga adkaaday Gen Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo 27 Cod helay

9.Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc wuxuu helay 56 Cod,halka Faadumo Siciid Maxamed oo la tartamaysay ay heshay 14 Cod oo kaliya.

10. Siciido Xasan Cismaan waxay 41 Cod kaga badisay  Siciid Maxamuud Aadan oo  helay 23. Wareegii kowaad iyo labaad waxaa ku haray Maxamuud Xasan Bile iyo Axmed Cabdalla Tigaana.

11. Shukri Aadan Maxamed waxay  38 Cod kaga guulaystay Saynab Xaashi Biixi oo heshay 24 Cod, iyadoo labo Codna ay xumaadeen.Wareegii 1aad waxaa ku hartay Xaawo Caynab Cabdi.

Xildhibaanadda Aqalka sare ee Barlamaanka Puntland ay u coddeeyaan maanta ayaa ku biiraya 24 xildhibaan oo kale oo laga soo doortay Maamuladda Jubbalanad, Gal-mdugu iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Waxaana hadda la sugayaa Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Maamulka Cusub ee Hirshabelle  oo 8 Xubnood la siiyay iyo Maamulka Soomaaliland oo iyagu qooda ahaan laga siiyay Aqalka sare 11 Xubnood.

Comments are closed