Wasiirka Haweenka Iyo Caruurta DDSI Oo Ka Warbixisay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Ka Qaybgalka Haweenka.

nnJigjiga (NogobNews) 21/10/2016

Wasiirka xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegtay in xafiiska arimaha haweenka iyo carurta DDSI  xaqiijiyay  kaalinta miisaanka cusul ee ay haweenka DDSI ka  qaadanayaan hirgalinta qorshyaasha horumarineed ee sida xawliga ah uga socda deegaanka.

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in xafiisku guulo waawayn ka soo hooyay qorshyaashii horumarineed ee yaalay sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaan dhinaca kor u qaadida garaadka siyaasadeed ee haweenka deegaanka, ka qaybgalka haweenka , la dagaalanka iyo tir tirida caadooyinka xux-xun iyo guud ahaanba wacyigalinta. Waxayna sheegtay wasiiradu in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay ahmiyada gaar ah siiyay kobcinta awooda haweenka ka qaybgalka dhinacyada, siyaasada dhaqaalaha, waxbarashada iyo u abuuritaanka ilaha shaqada ee  haweenka deegaanka.

waxayna wasiiradu sheegtay in xafiisku qorshaha sanadkan iyo qorshaha shanta sano xooga saarayo xaqiijinta  sidii loo sii xoojin lahaa doorka ay haweenku ku leeyihiin hirgalint qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinacyada siyaasada iyo arimaha dhaqaalaha si looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed ee u dajisan deeganka iyo dalkaba.

Comments are closed