Kenya: Hoggaamiyeyaasha Mandheera oo doonaya in la dadajiyo dhismaha derbiga xadka

2016102163612612110050843120161021636126094968952563aliroba660Mandheera (NogobNews) 21/10/2016

Hoggaamiyeyaasha degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa doonaya in dawlada Kenya ay dadajiso dhisida gidaarka u dhexeynaya dalka Kenya iyo Soomaaliya si ammaanka loo adkeeyo.

Waxay ku eedeeyeen dawlada dhexe ee Kenya in aysan ka dhabayneyn ama xil aad ah iska saareyn dhisida derbigaa oo dhawaan la bilaabay. Hadese hoggaamiyeyaashaasi waxay sheegayaan in wax hawl ah oo dhisme aan laga wadin xadka oo ku saabsan arinka gidaarka.

Haatan ayaa ay codsanayaan hoggaamiyeyaashaasi in la dardar galiyo mashruucaa si amniga xadka loo horumariyo.

Gobernatooraha degmada Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in sidii mashruucaa loo bilaabay dhowr tiirar oo shub ah un laga taagay 1.8km.

‘Waxay qaadatay hal iyo bar sano in intaa la sameeyo. Waxay ku qaadaneysaa qarni ka hor inta aan darbi laga taagin 360 km hadii xawliga ay haatan ku socdaan ay kusii wadaan hawsha deyr ku wareejinta xadka ah’. Sidaa ayuu yiri Cali Roba.

Wuxuu intaa ku daray in marar badan ay hoggaamiyeyaasha asagu ka mid yahay ay sheegeen in kooxo uu ugu yeeray argagixiso ay xadkaa ka soo gudbaan.

Asbuucii la soo dhaafay lix qof ayaa weerar lagu dilay dabley ay soo qaaday magaalada Mandheera.

Dhacdadaa habeynkii ay dhacday maalmo kadib is rasaaseyn booliska iyo dabley loo maleeyay Alshabaab dhex martay ayaa waardiye iskool uu ku dhintay.

Kenya ayaa waxaa soo wajahay weeraro kaga imaanayay xarakada Al-Shabaab laga soo bilaabo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya loo diray daakhilka Soomaaliya.

Comments are closed