DAAWO UK: Raxan Maraakiibta dagaalka ee Ruushka oo ka gudbay bada Ingiriiska iyagoo kusii jeeda Bariga Dhexe – VIDEO

ukLONDON (NogobNews) 21/10/2016

Waxaa maanta oo Jimce ah bada Ingiriiska ee xeebta Dover ka gudbay raxan Maraakiibta dagaalka ee Ruushka leeyahay kuwaasi oo kusii jeeda Bariga Dhexe.

Maraakiibtan dagaalka ayaa waxaa ku jiray kuwa wax burburiya iyo waliba kuwa Diyaaradaha dagaalka xambaara, waana Maraakiibtii ugu badneyd ee uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u diro bariga dhexe.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maanta ay magaalada Brussels ee dalka Belguim shirweyne u fadhiyaan hogaamiyayaasha Midowga Yurub oo ka wadahadlaya sidii ay ugu jawaabi lahaayeen dhaq dhaqaaqa Militari ee uu Ruushka wado.

Ruushka ayaa dhawaan gantaalada Nukliyeerka dhigay xaduuda uu la wadaago dalalka Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah Isbaheysiga Maraykanka uu hogaamiyo ee NATO ee bariga qaarada Yurub. Wuxuu sidoo kale hubkiisa culus geeyey wadanka Siiriya oo ay hada ka socdaan dagaalo sokeeye.

Militariga Ruushka ayaa dhinaca kale dhameystiray hubkooda culus ee lidka diyaaradaha oo ay ku rakibeen dalka Siiriya, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka Siiriya uu mustaqbalka isu bedalo mid dhexmara dalalka Reer Galbeedka & Ruushka oo difaacaya xukuumada Bashar Al Assad iyo saldhigyada uu ku leeyahay wadanka Siiriya.

Comments are closed