DAAWO Brussels: Shirweynaha EU-da oo looga hadlayo Xiisada Ruushka, Tahriibta iyo ka bixitaanka UK – VIDEO

European Union Council President Donald Tusk speaks to media reporters as he arrives for the EU summit in Brussels, Thursday, Oct. 20, 2016. British Prime Minister Theresa May will hold her first talks with European Union leaders and tell them that the U.K.’s decision to leave the bloc is irreversible. (AP Photo/Alastair Grant)

Brussels (NogobNews) 21/10/2016

Waxaa maanta oo Jimce ah galay maalintii 2aad ee shirweynaha hogaamiyayaasha Midowga Yurub oo ka wadatashanaya xiisada u dhaxeysa dalalka Yurub iyo Dowlada Ruushka, waxaa sidoo kale shirkan looga hadlayaa arrimaha Tahriibta kusoo qul qulaysa wadamadaasi iyo waliba ka bixitaanka wadanka UK ee Midowga Yurub.

Madaxweynaha Golaha EU-da Donald Tusk oo la hadlaya Saxaafada, Khamiis, 20, Okt 2016.(AP Photo/Alastair Grant)

Madaxweynaha Golaha EU-da Donald Tusk oo la hadlaya Saxaafada,

Furitaankii shirka ee maalinimadii shalay ayaa waxaa si weyn u hareeyey arrimaha xiisada u dhaxeysa dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo Dowlada Ruushka oo dhaq dhaqaaq xoogleh ka wada bariga qaarada Yurub oo ay keentay hub culus oo ay ku jiraan gantaalada Nukliyeerka. Dalalka Midowga Yurub ayaa isku khilaafsan qaabka loo wajahayo xiisada Ruushka, qaar kamid ah dalalka Yurub soo jeediyeen inay sare usii qaadaan cunaqabateynta dhaqaale oo ay ku hayaan wadanka Ruushka.

Waxaa qodobada aan weli lagu heshiin kamid ah sidii xal loogu heli lahaa dadka Qaxootiga ah ee kusoo qulqulaya qaarada iyo Tahriibta ka imaaneysa dalalka Afrika, waxaa laga doodayaa qorshe ah sare u qaadida ganacsiga ka dhaxeeya Midowga Yurub & Afrika, si wax looga bedalo dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta ka jirta qaar kamid ah dalalka Afrikaanka ah.

Ka bixitaanka wadanka UK ee Midowga Yurub oo lagu wado inuu bilowdo sanadka soo socda ayaa kamid ah qodobada laga hadlay, waxaana weli socda gorgortanka u dhaxeeya dalkaasi Ingiriiska iyo wadamada kale ee xubnaha ka ah EU-da qaabkii ay u macaamili lahaayeen dhanka ganacsiga iyo iskaashiga kadib marka dalka UK uu isaga baxo heshiisyadii hore ee ka dhaxeeyey xubnaha Midowga Yurub.

Comments are closed