Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Masar oo la khaarijiyey
Masar (NogobNews) 23/10/2016
General Caadil Raagici ayaa ku geeriyooday gurigiisa hortiisa magaalada Qaahira kadib markii rasaas badan lala dhacay.
Sarkaalkan ayaa xukumey ciidamada Masar ka jooga gacanka Siinaay, waxaana la toogtey isaga oo ka baxaaya gurigiisa maalintii sabtida magaalada Qaahira, sida ay warbaahinta u sheegtay walaashiis dhanka sharciga Huda Zein.
Kooxaha hubka u qaatey xukuumadda Masar ee inqilaabka ku timid ayaa diley boqolaal ka tirsan ciidanka Booliska iyo ciidamad qalabka sida.
Xaaskiisa oo lagu magacaabo Samia Zain Elabedine. ayaa Reuters u sheegtay in daqiiqad kadib markii uu guriga ka baxay ay maqashey dhawaaqa rasaasta, waxaana ku dhacay xabbado badan. Waxaana uu ku geeriyoodey isla goobtaas.
Kooxda dilka geystey ayaa watey gaari, waxaana ay ku hubeysnaayeen qoryaha darandooriga u dhaca, isla goobta ayey ka baxsadeen amrkii ay dilka geysteen sida ay sheegeen dad arkaayey markii dilku dhacaayey.
Comments are closed