Dagaal culus oo degmada Afmadow ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland

afmadowAfmadow (NogobNews) 23/10/2016

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay abaare 10:00 habeenimo ee xilliga geeska Afrika weerar culus ku qaaday degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, ayadoo uu halkaasi iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmadaasi.

Dagaalka intii uusan bilaaban kahor ayay Al-shabaab hawada ka saartay isgaarsiintii degmada Afmadow iyo deegaanada ku xeeran, sidii ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ayadoo saacado yar kadib uu halkaasi ka qarxay dagaal.

“Maqribkiiba magaalada Isgaarsiinta ayay ka jareen, shacabku waxay bilaabeen in ay guryahooda kala galaan, jawiga magaaladuna wuxuu isu badalay mid kacsan, 10:00 habeenimo ayay xabaddu bilaabatay, waxayna socotay ilaa 12:00 saq dhexe,” sidaa waxaa yiri goobjooge ku sugan Afmadow oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL.

Taliyaha ammaanka degmada Afmadow Aar Sheekh Cali oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay ka hortageen weerar culus oo ay Al-shabaab kusoo qaaday degmada, isagoo sheegay in ay qasaaro gaarsiiyeen kooxihii weerarka soo qaaday.

“Xalay ayay nasoo weerareen, annagu waan ka warheeynay qorshahooda, inagoo u diyaarsan ayay magaalada kusoo duuleen, waan iska difaacnay, qasaarooyin xoogganna waan gaarsiinnay,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Dhankooda waxa uu sheegay in dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen laba askari, sidoo kalena ay jiraan hooyo iyo laba carruur ah oo ku geeriyooday madaafiic ay Al-shabaab kusoo tuurtay degmada.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Comments are closed