70 Adery oo Maanta Ka Qalinjabisay Habka Koofeerka Casriga (Beauty salon)

screenshot_20161024-141703Jigjiga  (NN) 24/10/2016

Waxaa maanta xaflad qalin jabin ah loogu qabtay GREAN HOTEL  ardaydii baranaysay habka koofeerka casriga ah Beauty salon iyo cunto karinta casriga ah kuwaas oo dhanaa 70 Xubnood 69 hablood iyo hal wiil  xafladaas oo ay kasooqayb galay Mas’uuliin sare Xukuumadda DDSI ayna kamid yihiin  madaxwayne kuxigeenka DDSI Ahna Wasiirka Xafiiska beeraha iyo khayraadka dabiiciga Marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska hawlaha guud Mudane Cabdixakiin Cigaal, Wasiirka xafiiska gaadiidka iyo ganacsiga ahna madaxa arimaha xisbiga Mudane khadar Cabdi ismacil, Wasiir kuxigeenka Xafiiska TVET ka Mundane Cabdirisaaaq Saxane Cilmi Xubna kamida Capinetka degaanka iyo Maayorka Magaalada Jigjiga iyo Masuuliyiin kale iyo Qaarkamida waalidiintii Qalinjabiyayaasha

Xukuumadda DDSI ayaa waxey sanadkan qorsho 1aad u qaadatay sidii shaqo abuur looga hirgalin lahaa dhamaan deegaanka taaso lagu dhiiri galinayo dhalinyarada DDSI in ay bartaan xirfadaha farsamada gacanta taaso xafiiska TVET-KA oo dadaal xoogan ka wada dhamaan deegaanka uu ka hirgalinayo xaruumo lagu baranayo farsamada gacanta.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa khudbad kasta ku soo qaata in deegaanka dhibaatada waqtigan xaadirka ah ay haysato ay jahliga islamarkaana jahliga uu saaxib layahay saboolnimada  marka Xukuumadda DDSI waxey qorshaha 1aad u qaadatay in lala dagaalamo saboolnimada iyo jahliga.

Ugu dambeyn, waalidiintii xafladda ka soo Qeybgalay ayaa waxey u mahadceliyeen xukuumada DDSI sida markasta ay shacabka deegaanka u Garab Taagan Tahay.

fb_img_1477307710828fb_img_1477307701871fb_img_1477307695941

Comments are closed